|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay dil iyo qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Dilka oo Qaraxa ka horeeyay ayaa waxaa loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda oo lagu magacaabi jiray Cali Garre, waxaana Sarkaalkaas toogtay Nin hubeysan, kaasi oo ay isna toogteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Markii uu dhacay falkaas dilka ah kadib ayaa waxaa ku xigay Qarax lagu weeraray Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa nawaaxiga meel uu yaalay Meydka Nin ay Ciidamada toogteen, kaasi oo la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda, wuxuuna Qaraxaas geystay dhaawaca seddex ruux oo rayid ah.
Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa isku gadaamay Ciidamada Dowladda, waxayna rasaas ku kala eryeen dadkii halkaas ka dhawaa, iyadoo haatana ay Magaalada Baydhabo baaritaan ka wadaan Ciidamada Dowladda.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay dilal loo geysanayo dad rayid ah iyo kuwo u shaqeeya Dowladda, iyadoo sidoo kalena ay Magaalada ka dhacayeen weerarro lagu qaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
|